Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku ridday askar geysatay dhimasho &...

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku ridday askar geysatay dhimasho & dhaawac

SHARE

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan oo isugu jiray dil iyo xabsi ku ridday Xasan Xuseen Maxamed  iyo Xasan Muuse  Warsame oo ka wada tirsan ciidamada Boliiska ,ka dib markii.ay rasaas ku fureen moto Bajaaj ay la socdeen laba hablood oo walaalo ah.

Falkaasi oo 7-dii bishii  sagaalaad ee Sanadkan ka dhacay bar koontorool oo ay joogeen ciidamo boliis ah,waxa ku dhintay Istar Axmed Cabdulle, halka uu dhawac ka soo gaaray  Faadumo Axmed Cabdulle.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa dil tooasho ah ku xukuntay Xasan Xuseen Maxamed ,halka shan sano oo xabsi ah lagu riday Xasan Muuse  Warsame iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle

Guddoomiyaha Maxkamadaa Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi ay qaadan karto codsi Racfaan xukunka kadib. Muddo Sodon Cisha

LEAVE A REPLY