NISA oo soo bandhigtay dhagarqabe ka tirsan Alshabaab

NISA oo soo bandhigtay dhagarqabe ka tirsan Alshabaab

SHARE

Sida lagu baahiyay, barta hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo qabtay nin la sheegay in uu kamid ahaa argagaxisada Alshabaab isla markaana qorsheynayay in uu Bomb gacmeed ku waxyeeleeyo dad aan waxba galabsan.

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in Bombkaas uusan wax khasaare ah geysan isla markaa ay la xisaabtami doonaan hey’adaha ku shaqada leh falalka noocaas ah.

Lama sheegin magaca eedeysanaha iyo meesha uu doonayay in uu weeraro, balse maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ah kuwo aan u aaba yeelin ama aan ka sariigan waxyeelada ay u geystaan dadka Soomaaliyeed oo abriyada ah.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdulaahi Tuulax oo shir guddoomiyay kulanka guddoomiyeyaasha maamulka ayaa sheegay in ammaanka caasimadda si weyn loo adkeeyay isagoona intaas ku daray in laamaha amniga loo baahan yahay in ay sii wadaan howlaha amni sugida ah.

 

LEAVE A REPLY