Ciidanka xoogga dalka oo Alshabaab kala wareegay deegaano gobolka Gedo ka tirsan

Ciidanka xoogga dalka oo Alshabaab kala wareegay deegaano gobolka Gedo ka tirsan

SHARE

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  ee fariisinkooda uu ahaa degmada Baardheere ayaa bilaabay howl gal balaaran oo ay Alshabaab kaga saarayaan deegaano dhaca galbeedka degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen  maleeshiyaadka aragagaxsiada Alshabaab.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah, kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, arintan ayaa timid ka dib markii Alshabaab ay dadka degan tuulada Reydab oo Baardheere u jirta ilaa 55-KM ay si qasab ah uga qaateen xoolo  nool oo gaaraya ilaa 450 neef oo isugu jira Geel iyo Ari, iyagoona sidoo kale afduubtey shan ka mid ah duqeyda deegaanka.

Talaabadaasi guracan ayey dadka ay Qafaasheen Alshabaab waxay ku eedeeyen in ay xariir la leeyahiin ciidamada DF ee gobolka Gedo, ciidamada oo arimahaasi ka jawaabay ayaa waxay weerar ku qaadeen deeegaano ay ku sugan yahiin Alshabaab ,sida Reydab,Muudaale,Sidimo,Kantama,Takar ,dhamaan tuulloyinkaasi oo Baardheere u jira 60km ilaa 45-km ayey Alshabaab ay baneeyeen,ka dib markii ay ogaadeen in ay ku soo baxeen Ciidamo xoog leh.

Dhame Cali Turkish oo ah Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada XDS ee degmada Baardheere oo la hadlayey Barnaamijka SAMAWADE ayaa sheegay in  ay ka go’an tahay sidii Alshabaab ay uga saari lahaayeen qeybo badan oo ka tirsan Gobolka, islamarkaana ay u soo furan la haayeen dadka ay qafaasheen iyo xoolihii ay dhaceen.

Waxaana wararka laga helayo degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq ay tilmaamayaan in boqolaal  Ciidamo xoog leh oo ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro alshabaab ay saaka ka baxeen degmooyinkaasi.iyagoona ku sii jeeda furamaha dagaalka.

Ilaa iyo hadda deegaanada ay gaareen Ciidamada XDS, lama kulmin wax iska caabin ah,Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyado laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama Al-Shabaab dhankooda ay bilaabeen abaabul xoogan.

LEAVE A REPLY