Dagaal khasaare loogu geystay Alshabaab oo xalay ka dhacay Shabeelaha dhexe

Dagaal khasaare loogu geystay Alshabaab oo xalay ka dhacay Shabeelaha dhexe

SHARE

Janaraal Maxamed Axmed Tareedisho, oo taliyaha qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xalay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab soo weerareen saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in hal gaari ay ka gubeen maleeshiyaadka soo weeraray saldhigaas isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Tuulada Xaaji Cali oo ka tirsan degmada Cadale, ayaa waxaa ku sugan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in maleeshiyaadka soo weeraray saldhiga ay ka yimaadeen deegaano ka baxsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Deegaanada hoos yimaada degmada Cadale waxaa sidoo kale ka howlgala maleeshiyaadka Macawiisley oo Alshabaab kula dagaalama.

LEAVE A REPLY