Maleeshiyaad ka soo baxay argagaxisada oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Maleeshiyaad ka soo baxay argagaxisada oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

SHARE

Guuleed Ibraahim Maxamuud oo Alshabaab dhexdiisa looga yaqaaney Zakariye iyo Shukri Axmed Xuseen oo magaca afgarashada ah uu yahay Qudaamah ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey.

Saldhigga ciidanka xoogga dalka magaalada ayaa lagu soo bandhigay labada maleeshiyo oo kamid ahaa kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.

Labadan maleeshiyo oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay go’aansadeen ka bixitaanka falalka guracan ee kooxdaas ku heyso ummadda Soomaaliyeed ayagoo codsaday in la cafiyo.

Xidigle C/xakiim Maxamed Cumar oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka isla markaana goobta lagu soo bandhigay maleeshiyaadkana ayaa sheegay in dhalinyaradan ay kamid yihiin kuwa la khalday isla markaana ay soo dhoweynayaan ciddii ka soo baxday argagaxisada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dhammaan dhalinyarada wali ku harsan Alshabaab in ay ka soo baxaan kooxdaas isla markaana ka faa’ideystaan cafiska madaxweynaha uu u fiddiyay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro ka soo baxda Alshabaab isku soo dhiibaan ciidanka dowladda.

 

LEAVE A REPLY