Ciidanka xoogga dalka oo dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka oo dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Alshabaab

SHARE

Taliyaha qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya janaraal Tereedisho ayaa sheegay in howlgal ciidanka dhowaan ka sameeyeen gobolka Hiiraan ay ku dileen in ka badan 12 ka tirsan argagaxisada Alshabaab isla markaana ka furteen 9 qori.

Taliyaha ayaa sidoo kale, sheegay in gaari ay ka gubeen maleeshiyaadka intii howlgalada socdeen.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Hirshabeele ayaa howlgalo ka dhan ah Alshabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaanada maamulkaas, taliye Tereedisho ayaana carrabka ku adkeeyay in ay sii socon doonaan howlgalada.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli maalintii shalay inta u dhexeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi lagu gubay gaari caasi ah oo ay la socdeen maleeshiyaadk ka tirsan argagaxisada Alshabaab halkaas oo sida maamulka sheegeen lagu dilay 20 kamid ah Alshabaab.

 

 

LEAVE A REPLY