Macawiisley oo sheegtay in ay khasaare u geysteen argagaxisada Alshabaab

Macawiisley oo sheegtay in ay khasaare u geysteen argagaxisada Alshabaab

SHARE

Dagaalyano ka tirsan Kooxda Macawiisleey iyo Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay waxaa uu dagaal culsu ku dhexmaray deegaan u dhaxeeya xadka ay wadaagaan labada Gobol ee Hiiraan iyo gobolka Bakool oo ay kala maamulaan HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Horjoogayaasha Kooxda Macaawiisleyda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu yimid, kadib markii ay weerareen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali oo ku yaalla xadka Hiiraan & Gobolka Bakool,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan.

Horjoogaha Kooxda Macawiisleey ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin  ayaa sheegay in dagaalkaas ay Alshabaab ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan, hayeeshee dhankooda uu hal qof ka geeriyooday mid kalena uu ka dhaawacmay.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in weerarkii ay saakay waaberigii hore ay ku qaadeen Saldhiga Al-Shabaab ay kusoo qabsadeen lama kamid ah Gaadiidka dagaalka ee Cabdi bilaha loo yaqaano iyo hub fara badan.

Kooxda Macwiisley oo ah dhalinyaro deegaanka ah ayaa hubkooda qaatay markii ay u adkeysan waayeen ficilada guracan ee argagaxisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Alshabaab ayaa waxaa soo wajahay cabsi iyo wel wel hor leh maadaama furimaha dagaalka uu ku batay, dagaalo ku dhex marey gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxaa argagaxisada ku qasbanaadeen in ay ka huleelaan deegaano badan oo shacabka ku dhibi jireen.

LEAVE A REPLY