Ciidanka xoogga dalka 30 maleeshiyo ka dilay argagaxisada Alshahaab

Ciidanka xoogga dalka 30 maleeshiyo ka dilay argagaxisada Alshahaab

SHARE

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka badan 30 maleeshiyo oo ka tirsan argagaxisada Alshabaab lagu dilay howlgalo xalay ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Ceel Saliini iyo Gendershe ee gobolka Shabeelaha hooose.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa labo jibaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Dhinaca kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida darajadeeda koowaad, gaashaanle sare, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in saraakiisha iyo askarta ciidanka dowladda in aan laga ogolaan doonin in ay si fudud hubkooda looga qaado isla markaana lala xisaabtami doono.

Waxaa uu sheegay in dhammaan talisyada ciidanka ay la wadaageen amarkaas isla markaana loo baahan yahay in ay yeeshaan feejignaan dheeraad ah oo arrintaas ku aadan.

LEAVE A REPLY