Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Argagixisada Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-saliini...

Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Argagixisada Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose

SHARE

Ciidanka Xoogga dalka ayaa iska caabbiyay weerar argagixisada Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoostaga Aw-dheegle, waxaana cadowga halkaasi ka soo gaaray khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga dalka ayaa Warqaabinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka ay jab xooggan gaarsiyeen maleeshiyaadkii ka tirsanaa argagixisada Alshabaab,kuwaasi oo isku dayay in weerar arbushaad ah ay halkaasi ku soo qaadaan,balse ciidamada oo ka feejignaa ayaa dharbaaxo xooggan ku dhuftay,waxaana halkaasi ka soo gaaray nabadiidka Shabaab khasaare fara badan.

Deegaanka Ceel Saliini ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,iyagoo halkaasi ka wada howlgallo lagu baacsanayo kooxihii weerarka soo qaaday,islamarkaana ku raad jooga goobihii ay weerarkaasi ka soo abaabuleen.

Tani ayaa waxaa ay qayb ka tahay astaamaha muujinaya in awoodii kooxda Shabaab ay sii burburayso,islamarkaana ku soo biyo shubteen in shacabka ay si dhuumaalaysi ah ay ku dhibaateeyaan  sida qaraxyo arxan darri ah,taasi oo dhanka kale dhalisay kacdoon dadwayne oo laga dareemayo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Shacabka ay afduubka ku hayaan Shabaab ayaa si wayn u soo dhaweeyay, islamarkaana taageero u muujiyay guulaha isdaba joogga ah oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,kuwaasi oo Alshabaab ka saaray deegaanno badan oo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,bilihii ugu dambeeyey.

LEAVE A REPLY