In ka 15 maleeshiyo oo Alshabaab ah oo lagu dilay Jubada hoose

In ka 15 maleeshiyo oo Alshabaab ah oo lagu dilay Jubada hoose

SHARE

Ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland ayaa la sheegayaa in ay dileen in ka badan 15 ka tirsan argagaxisada Alshabaab, sida uu SONNA u sheegay taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Wararka ayaa intaas ku daray in howl ciidanka ka sameeyeen deegaanka Bandar jadiid oo ku dhow Buundada istiraatiijiga ah ee Araare ee gobolka Jubada hoose, sidoo kale howlgala waxaa lagu soo qabtay mid kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Ma bixin saraakiisha faah faahin intaas ka badan, balse ma ahan markii ugu horeysay oo deegaanada gobolka Jubada hoose ay isku fara saaraan ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

Deegaanka Araare ayaa aheyd goobtii lagu xasuusay maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab markii gawaari la socdeen duqeyn dhanka cirka ah lala eegtay.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa deegaanadaas ka howlgala.

 

LEAVE A REPLY