Ciidan loo diyaariyay in ay la dagaalamaan argagaxisada Alshabaab

Ciidan loo diyaariyay in ay la dagaalamaan argagaxisada Alshabaab

SHARE

Taliska Ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad ayaa waxaa Xerada tababarka Ciidamada Har-Qaboobe ee magaalada Guriceel ay ku soo bandhigeen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda ee horay loogu tababaray Baladweyne,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamadaan ayaa waxaa horkacayay taliyaha Guudatada 5aad qeybta 27aad,waxaana mudo Sanad ah ay ku tababarteen Baladweyne,iyada oo dowladdu qorsheysay in lagu biiriyo Ciidamada ka qeyb qaadanaya xureynta deegaannada ay Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Mudug & Galgaduud.

Taliyaha Guudatada 5aad qeybta 27aad Faarax Cali Waasuge ayaa Ciidamada ku wareejiyay Taliyaha Dugsiga tababarka Har-qaboobe ee degmada Guriceel,isaga oo sheegay inay Ciidamadaan yihiin Astaan Qaran.

Taliyaha qeybta 21aad Janeraal Cabdi Casiis Cabdullaahi (Qooje) ayaa sheegay in laga doonayo inay u diyaar garoobaan howlgalka deegaannada Gobolada Dhexe,isla markaana ay bilaaw u noqdaan howlgalka la isugu furaayo Wadada u dhaxeysa Muqdisho & Degmada Guruceel ee Gobolka Galgaduuud.

Ciidamadaan ay dowladda Federaalka ku soo bandhigtay magaalada Guriceel ee ee Gobolka Galgaduud lagana qaaday Baladweyne ayaa waxaa horay uga dhashay khilaaf xoogan,kadib markii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay diideen in Ciidamadaas loo qaado gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY