Maxkamadda ciidamada oo xukuno saaka riday

Maxkamadda ciidamada oo xukuno saaka riday

SHARE

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka siada ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno ku riday rag lagu heley in ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Xasan Cali Barre, lagu xukumay dil toogasho ah iyadoo Sayid Cali Aadan Nuur maxkamada ku heshay dambigii lagu soo oogay waxayna ku riday xukun ah xabsi cimraa haku furto ah ama xabsi daa’in.

Maxkamadda ayaa sii daysay Muxudiin Maxamed Axmed oo kamid ahaa eedeysanayaasha kaas oo lagu waayay wax dambi ah.

26 November, sanadkii 2018 ayaa gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay waxa Alshabaab ku qarxiyeen suuq ku yaala xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ah.

LEAVE A REPLY