NISA oo soo qabatay madaxii warbaahinta Alshabaab

NISA oo soo qabatay madaxii warbaahinta Alshabaab

SHARE

Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidanka Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu soo qabtay horjooge xubin muhiim ah ka ah kooxda argagaxisada Alshabaab kaas oo magaciisa lagu tilmaamay C/laahi Yare.

Ninkan ayaa laga soo qabtay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ka dib xogo laga heley goobta uu ku sugnaa horjoogahaas isla markaana gacanta dowladda soo gashay, wali ma jiraan faahfaahin intaas ka badan oo dowladdu bixisay.

C/laahi Yare ayaa Alshabaab u qaabilsan dhanka warbaahinta, kaas oo shaqadiisu aheyd marin habaabinta dadka Soomaaliyeed iyo faafinta wararka dheelada wata ee kooxdaas har iyo habeen ka shaqeyso.

Wararka kale ee ninkan ku saabsan ayaa waxaa ay sheegeyaan in sirdoonka Mareykanka 3 milyan oo doolar u balan qaaday ciddii gacan ka geysatay soo qabashada ninkan.

 

LEAVE A REPLY