Ku dhowaad 20 argagaxisada Alshabaab ah oo lagu dilay Shabeelaha Hoose

Ku dhowaad 20 argagaxisada Alshabaab ah oo lagu dilay Shabeelaha Hoose

SHARE

Ugu yeraan 18 kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhimatay ka dib markii weerar dhanka cirka ah lagu qaaday saldhig argagaxisada ku leeyihiin degmada Sablaale ee gobolka Shabeelaha hoose, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Mareykan.

Dadka weerarkan lagu dilay waxaa kamid ah Maxamed Dhuubow oo kamid ah horjoogiyaasha sar sare ee Alshabaab kaas oo dowladda Kenya ay horey madaxiisa u dhigtay malaayiin doollar, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida.

Si kastaba warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee ku aadan inay howlgal ku dileen saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weli dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY