Kooxda Macwiisley iyo argagaxisada Alshababa oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Kooxda Macwiisley iyo argagaxisada Alshababa oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

SHARE

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii kooxda Macwiisley la magac baxday ay weerareen saldhig argagaxisada Alshabaab ku leeyihiin deegaan hoos yimaada Tuulada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha kooxdaas.

Maxamed Cali Istakiin, oo kamid ah saraakiisha Macwiisleyda, ayaa sheegay in dagaalka ay ayaga ku qaadeen deegaan 10KM u jira Buq Aqable halkaas oo sida uu tilmaamay isku uruursadeen maleeshiyaadka Alshabaab.

“Dagaalka anaga ku qaadnay meel Alshabaab isku uruursadeen oo ay rabeen in ay naga soo weeraraan, llaahbaa nasri noo keenayoo, shalay 5 galabnimo, meeshaas dhib weyn ayaa ka dhacay oo¬† anaga rabnay, taliyihii Alshabaab ee deegaanka ayaa halkaas ku dhaawacnay oo la yiraahdo Bucshir,” ayuu yiri.

Kooxda Macwiisley oo ah dhalinyarada dadka deegaan ah oo ka dhiidhiyay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee Alshabaab ayaa hubkooda u qaaday sidii iska xoreyn lahaayeen maleeshiyaadka dhiiga ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed, waxayna inta badan ka howlgala deegaanada Hirshabeele.

Istakiin ayaa sidoo kale sheegay in qorshahooda ku ahaa in ay soo qabtaan horjoogaha Alshabaab u qaabilsan deegaanka Buq Aqable isagoo nool balse u suurtageli wayday sidaas uu ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY