Tirada Haweenka ku biiraysa Ciidanak Xooga Dalka oo korortay iyo Alshabaab oo...

Tirada Haweenka ku biiraysa Ciidanak Xooga Dalka oo korortay iyo Alshabaab oo gabalkoodi sii dhacayo

SHARE

Howlgallo lagu xorreeyey dhul badan oo ka tirsan Shabeellada Hoose iyo gobollo kaleba ayeey qeyb ka aheyd Wiilo Cabdi Cali Faarax oo ka tirsan Ururka 4-aad ee ciidammada Kummaandoosta Xoogga dalka Soomaaliyeed.

12 sanno ka hor inta aysan ciidanka ku soo biirtay Al-shabaab ayaa Gowracay Aabaheed Cabdi Cali Faarax oo Baaraley ahaa xilligaas, waxa uu iska diiday in uu bixiyo lacago baad ah oo ay argagixisadu weydiisteen kaddibna waxa ay u dileen si arxan daran.

Dhibtaas markii ay kula kaceen Wiilo Aabaheed waxa ay mar kale Al-shabaab dil u geysteen Seygeeda oo ay u heysay carruur yaryar, hadda waa Agoon laakiin go’aankeeda nolosheeda ayeey wax weyn ka badeshay.

Wiilo oo dhiigga Aabaheed iyo Seygeedii si xaq darro ah ay arxanlaaweyaasha Al-shabaab u daadiyeen waxa ay hadda ku faraxsan tahay guulo miradhal ah oo laga gaaray howlgallo lagu jebiyey Al-shabaab oo ay ka qeyb-qaadatay tan iyo markii ay ku soo biirtay ciidanka Xoogga.

Maryan Siid Cali Shariif oo ah askari ka tirsan Xoogga dalka xilli ay ku sugneyd jiidda hore ee dagaalka ayeey si dhiiran uga hadashay mudnaanta ay siinayaan sidii ay dalkooda nabad uga dhigi lahaayeen, rajo weynna ay ka qabto in Soomaaliya ay noqoto goob ka caagan argagixisada

Ififaalooyinka muuqda ayaa ku dareensiinaya in argagixisada Shabaab gabadkoodi uu sii dhacaya,iyadoo awoodii ay la haayeen la wiiqay,balse waxaa ay isku dayayaan in bulshada dila qorsheysan iyo qaraxyo hab dhuumaalaysi ah uga dhexgeystaan.

Dumar ayaa kaalin weyn ku leh dagaallada looga soo horjeedo nabad-diidka Al-shabaab, qaar badan oo ka mid ahna waxa ay hadda furimaha dagaal ugu jiraan sidii nabadgalyo iyo horumar loo gaarsiin lahaa dalkooda, halka Al-shabaab ay dumar si daran u liidaan.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku sii badanaya nacaybka ay u qabaan kooxaha argagixisada,kadib markii ay arkeen sida arxan darida ah oo ay dhiigooda u banaystaan,ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM ayaa guulo la taaban karo ka soo hoyay howlgalo kaladuwan oo ka dhacay deegaanada ay Koxda Shababa kaga dhuumaalaysanayaan Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY