Ciidanka amniga oo maanta affar dhaqar qabe ku toogtay suuqa Bakaaraha

Ciidanka amniga oo maanta affar dhaqar qabe ku toogtay suuqa Bakaaraha

SHARE

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka ay dileen 4 ruux oo mid kamid ah ay aheyd haweeney oo hubka u siday,kuwaasi oo dili rabay Cabdi Gare oo ah agaasimaha Howlaha Wasaradda Waxbarashada.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay ku soo qortay Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku xustay in dadka la dilay iyo Ciidanka amniga ay dhexmartay Isra saaseyn.

“Ciidanka Booliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Isra saaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday,”ayay tiri Zakiya.

 

LEAVE A REPLY