Ciidanka Xoogga Dalka oo Howgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada deegaanno hoostaga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada deegaanno hoostaga Awdheegle

SHARE

Ciidanka Xoogga dalka ayaa isku balaariyey deegaanno badan oo hoos taga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay ka wadaan howlgallo lagu beegsanaayo  cadowga kooxaha argagixisada.

Sargaal kamid ah Ciidanka Xoogga ee ku sugan Awdheegle ayaa sheegay in laga soo bilaabo shalay galinkii hore illaa maanta Ciidanku ay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan deegaanno hoostago Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

wareegeen deegaano badan kana kamid ah degmada Awdheegle.

Shalay ayey isku dayeen Argagaxisada Al Shabaab inay weerar ku qaadaan Fariisinka Ciidanku ku leeyihiin degmadaas iyagoo halkaas kala kulmay jawbeyn.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo Radio Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in Maydadka Al Shabaab daadsan yihiin Bartamahaa Magaalada sidoo kale gacanta ku dhigeen Maleeshiyaad u dagaalamayey Shabaabka.

Waxaa ay Warbaahinta Qaranku ogaantay sidoo kale in qaar kamid ah Dhaawacyada Al Shabaab ee dagaalkii shalay iyagu dhameystireen kadib markii ku guul dareysteen in Dhaawacyadooda qaateen kadib markii u adkeysan waayeen Kooxdu Awooda Ciidanka Qalabka sidda ee Awdheegle ku sugan.

Xaaladda Magaalada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ayaa Saaka ah mid aad u dagan iyadoona halkaas siwanaagsan Ciidanku shaqooyinkooda u heystaan.

Maleeshiyaadka Al Shabaab iyo Horjoogayaashooda ayaa ku dhuumaaleysta Dhulka Keymaha ah iyagoona hadba isaga sii carara halka Ciidanku gaaro.

LEAVE A REPLY