Janaraal Odowaa oo sheegay in Alshabaab khasaare xoogan loogu geystay dagaalkii Aw-dheegle

Janaraal Odowaa oo sheegay in Alshabaab khasaare xoogan loogu geystay dagaalkii Aw-dheegle

SHARE

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay degmada Aw-dheegle lagu laayay tiro badan oo kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab isla markaana kuwo kale nolal lagu qabtay.

Barqanimadii saaka ayaa argagaxisada Alshabaab isku dayeen in ay weeraan xerada ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin degmada oo dhowaan maleeshiyaadkaas laga fara maroojiyay balse ciidanka ayaa fashiliyay isku daygooda.

Taliyaha Odowaa oo qudhiisa ku sugnaa xerada Alshabaab soo waarareen ayaa sheegay in ciidanka ay si weyn u caabiyeen maleeshiyaadka isla markaana khasaare xoogan u geysteen.

Degmada Aw-dheegle oo qiyaastii 75 km dhanka galbeed kaga aadan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ciidanka xoogga dalka waxaa ay Alshabaab ka qabsadeen maalmo ka hor.

 

LEAVE A REPLY