Howlgal lagu soo furtay shacab Alshabaab u afduubnaa oo ka dhacay gobolka...

Howlgal lagu soo furtay shacab Alshabaab u afduubnaa oo ka dhacay gobolka Baay

SHARE

Howlgalka sida wadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay deegaanada Goofgaduud iyo Aw-diinle ee gobolka Baay, kuwaas oo lagu soo daayay maxaabiis ku xirnaa maleeshiyaadka Alshabaab, sida ay sheegeen saraakiisha.

Guddoomiyaha deegaanka Aw-diinle, Ibraahim Maxamed Kalaay, ayaa sheegay in howlgalkan intii lagu jirey ciidanka ku guuleysteen in ay xoriyadooda u soo celiyaan shacabkii halkaas ugu xirnaa, argagaxisada Alshabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidanka ay beegsan doonaan goobaha kale ee maleeshiyaadka ku dhuumaaleystaan ee gobolka ka tirsan isla markaana shacabka ka dul qaadi doonaan dhibaatada kooxdaas ay ku heyso.

Qaar kamid ah  dadkii xoriyadooda loo soo celiyay ayaa ciidanka uga mahadceliyay sida ay ugu soo gurmadeen, ayagoo  si weyn uga sheegtay dhibaatooyinkii maleeshiyaadka argagaxisada ah ku hayeen dadkaas.

Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka xoogga dalka, sareeyo guuto, C/raxmaan Timacadde, ayaa sheegay in dadkan ciidanka soo daayeen Alshabaab u heysteen xoolo baad ah oo ay ka rabeen, isagoo tilmaamay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Deegaanada ciidanka ay howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah; Dambal, Keerow Malaaq, Iri-roog, Abees Garwaale iyo Abees Eemid, iyadoo dhammaan goobahaas laga sifeeyay argagaxisada Alshabaab, sida uu sheegay taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Baay, Janaraal Mahad C/raxmaan Aadan oo Baydhabo kula hadlay saxaafadda.

 

LEAVE A REPLY