Ciidanka amniga Baardheere oo fadhiliyay haweeney qarax ku xirnaa- DHAGEYSO

Ciidanka amniga Baardheere oo fadhiliyay haweeney qarax ku xirnaa- DHAGEYSO

SHARE

Ciidanka amniga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saaka toogasho ku dilay haweeney dooneysay in ay isku qarxiso saldhiga booliiska degmada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Haweeneydan ayaa ka soo degtay gaari Caasi ah kaas oo ka yimid magaalada Baydhabo, kadib waxaa ay bomb ku tuurtay saldhiga sidaas ayaana lagu dilay.

Meydkeeda ayaa laga heley walxaha qarxa oo ku xirnaa qofkaas dumarka ah, taas oo da’aada 20 jir ah ku jirtay, Taliyaha saldhiga degmada, Xidigle Maxamed Cismaan Yarow, ayaa sheegay in ay ka war hayeen xogta ah in maleeshiyaadka qorsheynayaan in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in bomb ay tuurtay haweeneyda uu dhaawac ka soo gaaray mid kamid ah askarta booliiska ee ilaalada ka hayay saldhiga.

Halkan ka dhageyso wareysiga taliyaha saldhigga degmada Baardheere oo ka hadlaya dhacdadii maanta.

WARYSI TALIYAHA SALDHIGA BARDHERE MAXMED CISMAAN YAROW 08-08-2019

 

 

LEAVE A REPLY