4 ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay degmada Aw-dheegle

4 ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay degmada Aw-dheegle

SHARE

Ciidanka kumandooska ee xoogga dalka ayaa dilay affar kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab halka tiro kalena ay dhaawacmeen ka dib markii argagaxisada Alshabaab ay isku dayeen in ay soo weeraraan saldhigga ciidanka oo ku yaala degmada Awdheegle oo maalmo ka hor laga fara maroojiyay.

Wariye Maxamed Xasan Cali, oo ka tirsan warbaahinta dowladda oo Awdheegle jooga ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ka carareen meydadkooda isla markaana lagu raad joogo.

Howlgalo balaaran ayay ciidanka ka wadaan gobolka Shabeelaha hoose oo kamid ah goobaha ay ku dhuumaaleystaan Alshabaab, deegaanka Malable ayaa kamid ah goobaha howlgalada ka sacodaan.

Argagaxisada Alshabaaba ayaa dadka deegaanka ku amray in ay ka baxaan magaalada ayagoo uga digay in ay wax macaamil ah la yeeshaan ciidanka xoogga ee Awdheegle kala wareegay.

Ciidamo si aad ah u qalabeysan ayay dowladda Soomaaliya ugu talagashay in ay fuliyaan howlgalada dalka lagaga sifeynayo maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Alshabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa horkacaya howlgalka ka socda gobolka Shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY