Shacabka oo soo dhaweeyay dib u xoreynta degmada Aw-dheegle

Shacabka oo soo dhaweeyay dib u xoreynta degmada Aw-dheegle

SHARE

Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle, ayaa sheegaya in saaka ciidanka xoogga dalka ay halkaas ka wadaan howlgal lagu nadiifinayo haraadiga maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab.

Wariye C/waaxid Axmed Geeddi, oo ka tirsan Radio Muqdisho codka ciidamada qalabka sida oo kana mid ah warfidiyeenka la socda ciidanka ayaa sheegaya in ciidanka ay fashiliyeen miinooyin badan oo argagaxisada ay la doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.

Alshabaab ayaa markii ay ka baxayeen degmada waxaa ay shacabka ku amreen in ay ayaga raacaan oo laga guuro magaalada.

Dadka ka soo jeeda degmada ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u xoreynta Awdheegle, maadaama in muddo ah ay ku jirtay gacanta Alshabaab, C/raxmaan Yuusuf, waa mid kamid ah dhalinyarada ka soo jeeda Awdheegle, waxaa uu sheegay in aan la soo koobi karin farxaddooda.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA DADKA AWDHEEGLE

LEAVE A REPLY