Qabsashada Aw-dheegle waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday Alshabaab

Qabsashada Aw-dheegle waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday Alshabaab

SHARE

Ciidanka kumandooska ee xoogga dalka ayaa argagaxisada Alshabaab saaka ka xoreeyay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha hoose oo ah u aheyd halbowle dhaqaale muddo badan, ciidan si weyn u diyaarsan ayaa saaka ku jarmaaday deegaanka si shacabka ugu dul qaadaan dhibaatada argagaxisada.

Taliye ku xigeenka ciidanka xoogg dalka, sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka saaka lagu qabtay degmada Aw-dheegle oo qeyb ka yahay kuwii horey loogu xoreeyay deegaanada gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidankan oo dowladda Soomaaliya  si weyn carbisay ayaa leh hab dhaqan wanaagsan oo shacabka ku soo jeedaan ayagoo u gurmanaya taas waxaa ay keentay in ay shacabka ku kalsoonaadaan, inkastoo argagaxisadu dadka ku qasbaan in ay ka qaxaan meel kasta oo ciidanka la fara maroojiyaan.

Shacabka ku dhaqan deegaanadii laga xoreeyay argagaxisada Alshabaab ayaa iminka ku naaloonaya harka dowladnimada marka ay dib u milicsadaan maalmihii madoobaa ee ay ku hoos noolaayeen gacmaha dhiiga ka qubanayo iyo qalbiyada naxariista ka guurtay ee Alshabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxaa ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgaladan ilaa maleeshiyaadka laga saaray deegaanada ay dhuumaaleystaan ee gobolka gaar ahaan iyo guud ahaan wadanka.

Markii saaka ciidanka Kumandooska galeen degmada Awdheegle, durba waxaa goobta ka huleeley maleshiyaadka argagaxisada Alshabaab, waana caadi lagu yaqaano maadaama aysan si toos ah ugu babacdhigi karin ciidanka xoogga dalka oo keliya ay sameeyaan arbushaad iyo weeraro gaadmo ah.

 

LEAVE A REPLY