Duqeyn dhanka cirka ah oo xalay lala eegtay horjoogiyaal ka tirsan Alshabaab

Duqeyn dhanka cirka ah oo xalay lala eegtay horjoogiyaal ka tirsan Alshabaab

SHARE

Duqeymo kala gooni gooni ah ayaa xalay lagu soo waramayaa in lala eegtay saraakiil ka tirsan Alshabaab, Jacfar Cali Maxamuud oo ahaa amiirka amniga guud ee Alshabaab iyo labo xubnood ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe.

Sidoo kale, degmada Salagle waxaa lagu dilay  Cismaan Aadan Macalim oo Alshabaab ugu xil saarnaa maleeshiyaadka loo yaqaano Jabhadda oo sida militiriga u shaqeeya, amiirkaas waxaa lala dilay shan kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Duqeyn taas la mid ah ayaa waxaa lagu qaaday degmada Jilib halkaas oo lagu laayay maleeshiyaad badan.

Weerarada dhanka cirka ah ayaa waxaa fuliya ciidanka Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka oo is garabsanaya, kuwaas oo Alshabaab u diiday in ay si xor ah isaga kala gooshaan deegaanada ay maamulaan.

LEAVE A REPLY