Ciidanka xoogga oo argagaxisada Alshabaab kala wareegay Awdheegle

Ciidanka xoogga oo argagaxisada Alshabaab kala wareegay Awdheegle

SHARE

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Kumandooska ayaa saaka Alshabaab kala wareegay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha hoose, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Alshabaab ayaa in muddo ah ku sugnaa degmada halkaas oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed ee deegaankaas ku dhaqan.

Taliyaha ciidanka lugta sareeyo guuto, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa horkacaya ciidanka saaka la wareegay deegaanka, saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in ay ku siqeyaan deegaanada kale ee Alshabaab ku sugan yihiin.

Howlgalkan ayaa si weyn dowladdu u qorsheysay iyadoo Ra’iisul wasaaraha ku kormeerey xerada tababarka loogu soo xirey.

 

LEAVE A REPLY