Horjoogiyaal Ka tirsan Maleeshiyaadka Al shabab oo isku soo dhiibey C.X.D “Sawirro”

Horjoogiyaal Ka tirsan Maleeshiyaadka Al shabab oo isku soo dhiibey C.X.D “Sawirro”

SHARE

Labadan Horjooge oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al shabab ayaa Maanta isku soo dhiibey Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta Degmada Diinsor Ee Gobolka Baay Iyo Maamulka Degmadaasi,

Waxana Labadan Horjooge lagu Kala Magacaaba Maxamed Xasan cusman
25- sano jir ah wuxuu kamid ah ahaa mudo hal sano Maleeshiyaadka Al shabab isagooan Dhibaato badan ku hayay Shacabka Ku Nool Deeganada Hoos yimada Degmada Diinsoor,

Kan kale waxaa lagu magacaaba Xuseen Marshaale Maxamed
19 sano jir, Wuxu Nabadiidka ku jirey in ka badan Labo sano Waxaana uu ahaa Daraawalka Horjoogihii ugu weynaa Gobolada Baay iyo Bokool.

Labadan Qof ayaa mid kasta waxaa uu Wataa qoriga AK47 iyo Booshkiisa.

Ibrahim Maxamed Nuur (Shiig Shigow ) Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ka hadley labadan Malishiyaad Maanta isa soo dhiibey waxaan uu sheegey in maddo badan ay xiriiro kala duwan ay la soo sameyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Kuwa kgs si ay isu soo dhibaan , Alle Mahadiis maanta waa ay usuura gashey

Mudooyinkii ugu Dambeyay waxaa soo badaneya Dhallinyaro badan oo horey ay u qaldeen Maleshiyaadka Al shabab oo isku soo dhiibeya Qeybo ka mid ah Maamulada Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY