Maleeshiyaadka Alshabaab oo lagala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

Maleeshiyaadka Alshabaab oo lagala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

SHARE

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa howlgal ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool, halkaas oo ay ku yaaleen saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyaadka Alshabaab.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah Tuulada Abal oo qiyaastii 20km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka ayaa shacabka deegaanka u sheegay in ay u jeedka ay u yimaadeen ay tahay soo celinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab ayaa deegaanka Abal isaga cararay ka hor inta aan ciidanka soo gaarin, Maxamed Macalim Axmed, guddoomiyaha degmada Xudur, ayaa shacabka Tuulada Abal u sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay yihiin kuwo xor ah.

 

LEAVE A REPLY