Duqeyn khasaare loogu geystay Alshabaab oo xalay ka dhacday Jubbooyinka

Duqeyn khasaare loogu geystay Alshabaab oo xalay ka dhacday Jubbooyinka

SHARE

Wararka ka imaanaya degmada Jammaame ee gobolka Jubada hoose, ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu duqeeyay maleeshiyaad Alshabaab ah oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali, kuwaas oo loo diyaariyay in ay ka dagaalamaan gudaha dalka Kenya, sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Weerarkaas horjoogiyaasha lagu dilay waxa kamid ahaa C/ra’uuf Yuusuf oo ku caan ahaa Abu Ayman, waxaana lala dilay saraakiil kale oo ka tirsan argagaxisada Alshabaab. Abuu Ayman ayaa ahaa horjoogaha maleeshiyaadka Alshabaab ee gudaha Kenya.

Duqeyn kale, ayaa xalay sidoo kale lala beegsaday xarunta maaliyadda Alshabaab ee degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, halkaas waxaa tiilay hanti fara badan oo shacabka Soomaaliyeed ka soo boobeen argagaxisada.

Sidoo kale, duqeyn isla xalay ka dhacday degmada Bu’aale, ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday Mahad Karatee, hase yeeshee weerarkaas kuma dhiman waxaa soo gaaray dhaawac fudud labo kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu khaarijiyay howlgalkaas.

Duqeymahan u dambeeyay ayaa loo badinayaa in ay fuliyeen duyuuradaha dagaalka Mareykanka iyo France oo iskaashanaya.

LEAVE A REPLY