Falcelinta weerarkii dowladda Hoose ee Muqdisho

Falcelinta weerarkii dowladda Hoose ee Muqdisho

SHARE

Weerarkii abaabulnaa oo shalay gelinkii dambe, Alshabab ka geysteen xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa khasaaraha xoogan ee uu dhaliyay awgeed, waxaa soo baxay falcelin ku aadan qaraxaas, mas’uuliyiin dowladeed iyo shacab guud ahaan looma kala harin cambaareynta iyo dhaleeceynta weerarkaas.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,oo ah guddoomiye ku xigeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ganacsatada lacagaha siiya Alshabaab  u sheegay in ay ka waantoobaan arrintaas maadaama dhaqaalaha ay bixiyaan lagu laayo dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah isla markaana wax dambi ah gelin.

“Qofkii cabsi uu ka qabo Al-shabaab awgeed Lacag u siiyo in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan, isagoo kula taliyay dadka bixiya baadda Argagixisada ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah Aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo nafteyda” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Dowladda Soomaaliya, oo dhacdadaan murugada badan ka jawaabaysa ayaa sameysay guddi wasiiro iyo xildhibaano ku jiraan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo ka shaqeyn doona u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas.

Shacabka Soomaaliyeed ee jooga iyo gudaha ayaa baraha bulshada ugu qeyb qaatay falcelintooda ku aadan weerarkii ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in weerarkaas uusan dowladda Soomaaliya ka weecin doonin dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Alshabaab, isagoo xusay in baaritaan heerkiisu sareeya lagu sameyn doono weerarkii shalay, cidda ka dambeysay iyo sidii uu u dhacay.

Alshabaab hadafka ay ka leeyihiin weerarada noocaan ah ayaa ah, dadka ku halaagaan ka sokow in kuwa kale ay ku ridaan rajo beel, sidoo kale abuuraan jawi nabad geliyo daro si aan qofna ugu dhiiran ka shaqeynta horumarka wadanka iyo u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku duubni iyo wadajir ku wajahaan dhibaatada kooxda Alshabaab ku heyso dowladnimadooda.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, oo war qoraal ah soo saarey ayaa si adag u cambaareeyay weerarkaas, isagoo amaanay ciidanka ammaanka iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah.

Weerarkan ayaa mar kale muujinaya in Kooxda al-Shabaab aysan dhowreynin nolosha dadka Soomaaliyeed ayna carqalad ku yihiin horumarka ku aadan nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

Waxaan xaqiijineynaa ballan qaadkeena xooggan ee aan ku garab
taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna ​​dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY