Alshabaab oo qarax ku dilay dad Xajka ku socday

Alshabaab oo qarax ku dilay dad Xajka ku socday

SHARE

22 bishan, xilli barqo ah, ayaa mar kale maleeshiyaadka arxanka daran ee Alshabaab  gaari lagu soo rakibey walxaha qaraxa oo uu wade ka yahay mid ayaan darani, waxaa uu ku qaraxiyay goob mashquul badan oo ku dhow isgoyska KM4 ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ahaa qarax lagu hoobtay, oo khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba sababay, jugta qaraxaas waxaa uu gaaray daafaha magaalada, dhimasho, dhaawac, burbur, naxdin iyo anfariir ayay aheyd gunaanadka qarax kasta.

Hase yeeshee, qaraxii Muqdisho ka geysteen maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Alshabaab, 22 bishan Luulyo, dadkii ku dhintay waxaa kamid ahaa dad u soo qalab qaatay gudashada waajibka ALLE ee Xajka, si kale haddaan u dhigno waxaa ku dhimashay oo Alshabaab dileen martida ALLE, oo u qesday in ay u xajiyaan guriga ALLE ee BEYTUL XARAAM.

Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa durba u soo banbaxday sheegashadiisa kooxda Alshabaab oo sheegta in ay diin u adeegayaan, balse xaqiiqada ay tahay SHEYDAAN ayay u shaqeeyaan, ficilkooda ayaana ka maraq ah; dil, qarax, argagaxin iyo burburin ayay ku hayaan dad muslimiin ah oo aan wax dambi ah gelin.

Alshabaab, kama aysan xishoon sheegashada qarax lagu laayay dad muslimiin ah oo ay ku jiraan kuwa ku jirey safaradaha ugu qiimaha badan guud ahaan nolashada qofka muslimka ah. Caadiyan loogama baran in ay wax damqasho ah u sameeyaan dadka Soomaaliyeed.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa kuwo u soo baxay hardinka nolashooda maalin laha ah, sida dhalinyaro muruq maal ah oo ka shaqeynayay goobaha ganacsiga ee ka ag dhowaa meesha Alshabaab ku qarxiyeen gaariga.

LEAVE A REPLY