Argagaxisada Alshabaab gumaad kale ayay Muqdisho ka geysteen

Argagaxisada Alshabaab gumaad kale ayay Muqdisho ka geysteen

SHARE

Ugu yeraan 17 ruux ayaa dhimatay iyo kale intaas ka badan waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta maleeshiyaadka Alshabaab gaari qarax saaran yahay la beegsadeen goob dad badan joogaan oo ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4.

Shacab badan ayaa ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay, taasina waxaa ay keentay in khasaare badan soo gaaro dadka rayidka ah.

Argagaxisada Alshabaab ayaa caadeystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, ayagoo ku faanay leynta dadka shacabka ah.

 

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jaranaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka ammaanka ka hortagaan gaariga qaraxa siday.

Warar ay ku baahiyeen warbaahintooda ayay ku sheegeen in ay weerareen goob laga ilaaliyo xarumaha ciidamada shisheeye, taas oo ugu dan leeyihiin inay  ku baneystaan dhiiga dadka Soomaaliyeed.

 

 

LEAVE A REPLY