Xasuuqii Kismaayo halyeeyo ummaddeed baa ku baxay!!

Xasuuqii Kismaayo halyeeyo ummaddeed baa ku baxay!!

SHARE

Waxaay aheyd xilli galab ah, dadkuna ku jiraan nasiinada maalin jimceed iyo jawi degan oo farxad iyo nabad ku laran, goobta waa Hotel Madiina ee Kismaayo oo horey loo oran jirey Cascasey, hase yeeshee dadkaas jawiga nabadda ah ku jira waxaa jira kuwo kaleoo  ay dhibeyso  farxadda waxaa dhagahooda ku soo dhacaana waxaa ay ku jeceyl yihiin; qarax, dil, burbur iyo rajo la’aan, kuwa sifadaad leh waa Alshabaab.

Hotelka waxaa ku sugnaa dadyow kala duwan oo ka kooban qeybaha bulshada; sida siyaasiyiin, mas’uuliyiin dowladeed, saxafiyiin iyo dad kale oo badan oo kamid yihiin odayaal dhaqameed.

Dadka oo khabar moog ah, ayaa mar qura, waxaa si qaflad ah waxaa ku dhul dhacay qarax gaari lagu soo raray oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka naxariiste aabe ka qatan ee Alshabaab kuwaas  oo had iyo jeer ku hamiya daadinta dhiig qof muslim ah oo aan wax dambi ah gelin.

Jawiga ayaa isku bedeley, si aan qiyaas laheyn, dhimasho, dhaawac, burbur iyo wax kasta oo dhibaato bani’aadan dareemi karina ayaa goobta ka dhacay.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa dadka intii ka badbaaday qaraxii hore, rasaas ugu firdhiyay sida biyaha oo kale, way dileen, way dhaawaceen intii alle u qadarey.

26 ruux oo muslimiin Soomaali ah ayaa ku qurbaxay weerarkaas, mas’uuliyadiisana si aan gabasho laheyd waxaa u sheegtay kooxda arxanka daran ee Alshabaab, arrinta ugu daran ayaa ah in ficilkaas ay ku sameeyaan magac diineed.

Dhammaan dadkaas mid kasta oo kamid ah, waxaa uu qiimo weyn ugu fadhiyay qoyskiisa iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Alshabaab, markasta kama xishoodaan sheegashada qaraxyada ay ku gumaadaan dadka Soomaaliyeed, waxaana hubanti ay in arrintaas aan fasiraad badan u baahneyn, waxayse ugu xun tahay marka qof muslim ah lagu dilo magac diineed ama ayadoo la sheeganayo magac islaam oo ah nabadgeliyo.

Dadka Alshabaab ku laayeen waxaa ay ahaayeen birimageydo, waxaa intaas dheer waxaa ay ahaayeen dadka lagu tilmaamo indhaha bulshada; saxafiyiin, ganacsato, odayaal dhaqan, siyaasiyiin oo dalka xilal ka soo qabtay.

Weerarada argagaxisada Alshabaab ay la beegsadaan goobaha afka qalaad loogu yeero (soft target) oo Hotel Madiina ee Kismaayo u dambeeyay, dadka rog roga arrimaha kooxaha argagaxisada ah waxaa ay aaminsan yihiin in u jeedka ugu weyn ay tahay in dadka rajo beel lagu rido ka sokow dil wadareedka iyo burburka hantida.

Markasta iyo meel kasta, oo ay argagaxisada weerar ku qaado, dadka Soomaaliyeed waxaa ka dareemaysaa adkeysi iyo dul qaad, goobaha ay burburiyaan, waxaa bedela dhisme ka qurxoon kii hore, oo ay wehliso niyad iyo yadadiilo fog, balse maleeshiyadu intas waxba kuma qaataan, waayo waxaa caro gelisa dhulka qurxoon iyo dadka faraxsan, farxadoodu waa maalintii geystaan weerar dhiig badan ku daato.

Dadka qaar ayaa ku micneeyay sababta argagaxisadu u weeraraan goobaha dadweynaha ku badan yihiin, dhowr arrimood ayaa ugu muhiimsan; waa tan koowaade, weeraradan sidan oo kale Hotelada iyo dhismiyaasha dowladda loogu galo, waxaa ay ka minguuriyeen argagaxisada kale oo la jaalka ah ee ka jirta dalalka caalamka, tan labaad, waxaa ay muujinayaan in ay wali xoogan yihiin oo ay weerar khasaare badan dhaliya geysan karaan, si shacabka ugu baqdin geliyaan oo aysan ugu dhiiran ka hor imaanshaha go’aanadooda guracad ee shacabka ka dhan ah.

Waxaa kale, oo sababaha kamid ah; in ay ugu gol leeyihiin sidii dad badan oo bulshada qiimo u leh u gaari lahaayeen, maadaama Hotelada inta badan dadka yimaada ama taga ay yihiin hal doorka bulshada, sidii hadafkaas u xaqiijin lahaayeenna hilin kasta ayay u marayaan.

Dadka gacamahooda ku haleegeen, tiro xisaabeed, hebel iyo heblaayo haddii aan isku howlo kuma soo koobi karo qormadan gaaban, waxaase ugu dan lahaa in aan ku iftiimiyo hagar daamada kooxda dhiiga dadka abriyada ah hamuunka u haya.

LEAVE A REPLY