Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo xalay lagu dilay duleedka Kuunyo-Barow

Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo xalay lagu dilay duleedka Kuunyo-Barow

SHARE

Duqeyn dhanka cirka ah oo xalay Alshabaab lagula eegtay duleedka degmada Kuunyo-Barow ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu khaarijiyay sarkaal sare oo argagaxisada u qaabilsanaa siyaasadda guud kaas oo l oran jirey Maxamed, waxaa sidoo kale duqeyntaas lagu dilay horjoogihii xabsiyada qarsoon ee kooxda.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay darawalkii horjoogaha iyo mid kamid ah ilaaladiisa.

Gaari ay saarnaayeen saraakiishan ayaa marayay duleedka degmada Kuunyo-Barow, kaas oo gentaal lala eegtay, dadka deegaanka ayaa laga soo wariyay in ay maqleen jug aad u xoogan.

Wali ma jiro wax war ah oo maleeshiyaadka Alshabaab ka soo baxay ee ku deegan duqeynta xalay lagu laayay horjoogiyaal sar sare ee argagaxisada ka tirsan.

Weerarada isdaba jooga ah oo lagu bartilmaameedsado horjoogiyaasha Alshabaab ayaa waxaa fuliya ciidanka kumandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY