Taliska booliiska oo digniin ka soo saaray gaadiidka la dhigo waddooyinka caasimadda...

Taliska booliiska oo digniin ka soo saaray gaadiidka la dhigo waddooyinka caasimadda Muqdidho

SHARE

Qoraal digniin ah oo kasoo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto ; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta.

Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan.

Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka , si ay Shacabka ugu badbaadaan dhibaatada cadowga, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991.

Tallaabadan ayaa ciidanka amniga ugu gol leeyihiin in ay ku badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed oo maleeshiyaadka Alshabaab isku dayayaan in ay qaraxyo kula beegsadaan goobaha ganacsiga ee ku yaala caasimadda, ayagoo adeegsanaya gaadiidka.

LEAVE A REPLY