Weerarkii Hotelka Kismaayo oo la soo afmeerey

Weerarkii Hotelka Kismaayo oo la soo afmeerey

SHARE

Ugu yeraan 14 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, kaas socday ilaa saaka waaberigii, saraakiisha ammaanka Jubaland ayaa sheegay in saaka la soo gebagebeeyay.

Khasaare aad u badan ayaa ka dhashay weerarkaas, waxaana dadka ku dhintay kamid ah gabar wariye aheyd oo la oran jirey Hodan Naaleeye, oo dalka Canada ka soo guurtay.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa qarax iyo weerar toos ah ku qaatay Hotel Madiina oo horey loo oran jirey Cascasey oo ku yaala bartamaha magaalada Kismaayo.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubaland, C/nuur Ibraahim oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ciidanka amniga ay soo afmeereen iska hor imidkii ka socday Hotelka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay weerarkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY