Duqeyn Alshabaab loogu geystay khasaare oo xalay ka dhacay degmada Saakow

Duqeyn Alshabaab loogu geystay khasaare oo xalay ka dhacay degmada Saakow

SHARE

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe duqeyn dhanka cirka ah lagu qaaday goob uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo u qaabilsanaa amniga gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka degmada Saakow ayaa waxaa lagu dilay Daahir Macalin oo Alshabaab ugu magacownaa gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kale weerarkaas ay ku dhinteen hal sarkaal, labo ilaaladiisa kamid ah iyo darawalkiisa.

Duqeymaha iyo weerarada kale oo ay geystaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamka ayaa Alshabaab la daalaa dhacayaan iyadoo sidoo kale weerar kan lamid ah habeen hore lagu qaaday saldhigyo maleeshiyaadka argagaxisada ku la haayeen gobolada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY