Ciidanka amniga oo toogtay nin argagaxiso ahaa oo dil qorsheynayay

Ciidanka amniga oo toogtay nin argagaxiso ahaa oo dil qorsheynayay

SHARE

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, Janaraal Zakiya Xuseen, ayaa sheegtay in xalay ciidanka amniga toogteen nin hubeysan oo damacsanaa in uu dil ka geysto degmada Boondheere.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter ayay ku sheegtay in ciidanka ammaanka ay dileen nin ku hubeysanaa bastoolad kaas oo u dan lahaa sida hadalka u dhigtay dilka askari howlgal u taagnaa.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa isku daya in ay gaadmo ku dileen askarta iyo dadka shacabka ahba balse feejignaanta ciidanka amniga ayaa fashilisay in uu gaaro hadafkiisa oo ahaa in uu daadiyo dhiiga qof muslim ah oo u taagan u adeegista qaranka.

LEAVE A REPLY