Alshabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe

Alshabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe

SHARE

Ciidanka xoogg dalka ee ka howlgala gobolka Shabeelaha dhexe, ayaa Alshabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolkaas ka dib howlgal ka dhacay halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha.

Howlgalada ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada ku teedsan waddada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar, iyadoo ciidanka miinooyinka argagaxisada ku aaseen waddada.

Saraakiisha ciidanka ayaa laga soo xigtay in u jeedka howlgalkan uu yahay xaqiijinta ammaanka waddada isla markaana la sii wadi doono baaritaanada iyo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Alshabaab ayaa inta badan waxaa ay falal amni ka daro ka sameeyaan marintanka muhiimka ah ee isku xira Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

 

saarsaar miinooyin jowhar iyo balvad xaqiijnta amniga wadada

LEAVE A REPLY