Ciidanka amniga oo howlgal ka sameeyay Kismaayo

Ciidanka amniga oo howlgal ka sameeyay Kismaayo

SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ciidanka ammaanka magaaladaas ay sameeyeen howlgal lagu adkeynayo amniga Kismaayo, sida ay sheegeen saraakiisha.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyaad hubeysan dilal ka heysteen magaalada Kismaayo habeenadii la soo dhaafay,waxaana kamid ahaa mabad doon caan ahaa oo halkaas lagu dilay.

Xaafadda Calanlay ee magaalada Kismaayo ayaa kamid aheyd xaafadaha xalay ciidanka howlgalka ka sameeyeen ilaa iyo iminka ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxday saraakiisha ammaanka ee ku aadan howlgaladii u dambeeyay.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ku aadan doorashada maamulka Jubaland, iyadoo dad badan oo musharaxiin ahi ay joogaan magaalada.

LEAVE A REPLY