Kulan amniga Muqdisho ku saabsan oo xalay la qabtay +Sawirro

Kulan amniga Muqdisho ku saabsan oo xalay la qabtay +Sawirro

SHARE

Waxaa xalay Xarunta maamulka Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir lagu qabta Shirka amniga Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa shir Gudoominayay Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow),isla markaana waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko iyo Saraakiil ka tirsan laamaha amniga, Guddomiye kuxigeenka aminga iyo siyasaadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax iyo Maamulka Degmada shibis.

“Shirka Amniga Caasimada waxaan caawa ku qabsanay Xarunta Degmada Shibis iyadoo warbixin laga dhageystay Guddiga kormeerka iyo Qiimeynta oo maalin walba soo kormeera degmooyinka Waxaana la isla gartay dardargelinta fulinta Qorshaha Amniga”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay dardar galinta Amniga Caasimada Muqdisho iyo sida ay iskul ahaqeyn karaan laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka.

LEAVE A REPLY