Ciidanka ammaanka oo xalay howlgal ka sameeyay Dayniile

Ciidanka ammaanka oo xalay howlgal ka sameeyay Dayniile

SHARE

Howlgalka ciidanka booliiska xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Dayniile ayaa lagu soo qab qabtay dad lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Dadka la soo qab qabtay oo u badnaa dhalinyaro ayaa la sheegayaa in ciidanka isku dayayaan in ay kala saaraan si loo kala ogaado kuwa amni darada ka shaqeeya iyo kuwa kale.

Howlgalka ayaa ka dhacay xaafadda Raadeerka ee degmadaas, waxaana uu qeyb ka yahay howlgalada isdaba jooga ah ee ciidanka amniga ka wadaan guud ahaan gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY