Ciidanka amniga ee Galmudug oo fashiliyay shirqool ay dhigeen Alshabaab

Ciidanka amniga ee Galmudug oo fashiliyay shirqool ay dhigeen Alshabaab

SHARE

Ka dib howlgal balaaran oo ciidanka amniga ee Galmudug ay ka sameeyaan duleedka magaalada Dhuusamareeb ayay ku soo qabteen jaakad ay ku xiran yihiin walxaha qarxa, sida ay sheegeen saraakiisha.

Cabdulle Cabdi Raage, waxaa uu kamid yahay saraakiisha ciidanka amniga ee Galmudug waxa uu warbaahinta u sheegay in ay soo qabteen aalado qaraxyo ah isla markaana ku daba joogaan dadka lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin arrintan.

Waxaa uu intaa ku daray in jaakadan qaraxa ah ee ciidanka soo qabteen ay si aad ah isu shabahaan tii lagu qabtay magaalada Guriceel.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale, sheegay in ay wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin shacabka magaalada ay u suuragelisay in ay ka war helaan in Alshabaab isku dayaan in ay qaraxyo soo geliyaan magaalada.

Ciidanka amniga ee Galmudug ayaa howlgalo amniga lagu adkeynayo waxaa ay wadaan muddooyinkii dambe, si ay ugu hortagaan shirqoolada ay maleegayaan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY