Wasaaradda Amniga ee Koofur Galbeed oo sheegtay in la furi doono waddooyinka...

Wasaaradda Amniga ee Koofur Galbeed oo sheegtay in la furi doono waddooyinka ay go’doomiyeen Alshabaab

SHARE

Xilli uu saxaafadda magaalada Baydhabo kula hadlayay, wasiir ku xigeenka Amniga Dowlada goboleedka Koofur Galbeed, mudane, Isaaq Barrow Isaaq, ayuu ku sheegay in maamulka ay ka go’an tahay furitaanka waddooyinka ay xireen maleeshiyaadka Alshabaab ee gobolada Koofur Galbed.

Isaaq Barow, ayaa intaa ku daray in ciidanka amniga u diyaarsan yihiin sidii loo furi lagaa waddooyinka go’doondan ee magaalooyinka iyo degmooyinka Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Nabad haddaan la helin nolal ma jireyso, shacabka waxaan ugu baaqaynaa in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si cadowga looga adkaado,” ayuu yiri Barow.

Ma ahan markii ugu horeysay oo maamulka Koofur Galbeed ay sheegaan in la isku furi doono waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Alshabaab, sidan oo kale ayay dhowr jeer ka dhawaajiyeen in la qaadi doono howlgal ka dhan ah Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY