Faahfaahinta duqeyn Alshabaab lala beegsaday oo ka dhacday Shabeelaha hoose

Faahfaahinta duqeyn Alshabaab lala beegsaday oo ka dhacday Shabeelaha hoose

SHARE

War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay shantii bishan ka fuliyeen meel kaabiga ku heysa deegaanka Tooratoorow lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Warka waxaa uu intaa ku daray in howlgalkaas uusan wax khasaare ah ka soo gaarin shacabka ku dhaqan deegaanka.

Deegaanka Tooratoorow, ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa uu kamid yahay goobaha ay ku dhuumaaleystaan Maleeshiyaadka Alshabaab, iyadoo weerarkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ah, sida lagu xusay qoraalka.

Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM si loo dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Waa duqeyntii labaad oo maalmo gudahood lala eegtay argagaxisada Daacish iyo Alshabaab.

LEAVE A REPLY