Mas’uuliyiin kormeerey Buuntada Bariire oo Alshabaab dumiyeen +Sawirro

Mas’uuliyiin kormeerey Buuntada Bariire oo Alshabaab dumiyeen +Sawirro

SHARE

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa kormeerey deegaanka Bariire ee gobolkaas, si ay uu kuurgalaan xaaladda deegaanka.

Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah u kormeerey Buuntada deegaanka oo ku dhowaad labo sano ka hor Alshabaab qarxiyeen isla markaana jareen Buundadaas.

Deegaanka Bariire, ayaa dhowaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka xoreeyeen maleeshiyadka Alshabaab oo muddo halkaas ku dhibayay shacabka ku dhaqan deegaanka.

Kormeerka guddoomiyaha ayaa sidoo kale, waxaa ku wehliyay xildhibaan Nuur Siidow Baaba oa ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda deegaanka Bariire.

LEAVE A REPLY