Kulan amniga Muqdisho looga hadlayay oo xalay la qabtay +Sawirro

Kulan amniga Muqdisho looga hadlayay oo xalay la qabtay +Sawirro

SHARE

Kulankan oo daarnaa amniga caasimadda Muqdisho oo xalay la qabtay waxaa shir guddoomiyaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana lagu lafo gurey adkeynta amniga Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Eng. Yariisow, ayaa sheegay in kulanka xalay looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha sugida amniga Muqdisho, oo ciidamada amniga ku howlan yihiin.

Kulanka waxaa qeybgalay taliyeyaasha ciidanka amniga gaar ahaan booliiska kuwa u xil saaran amniga gobolka Banaadir.

Kulamada looga hadlayo amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo isdaba joog ah waxaa horey dhowr jeer sidan oo kale ugu qeybgalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ciidanka amniga howlgalo amniga lagu adkeynaayo ay wadaan haddana mararka qaar waxaa dhaca qaraxyo iyo dilal gaadmo ah oo ay sameeyaan maleehsiyaadka Alshabaab.

LEAVE A REPLY