Horjooge sare oo Alshabaab kamid ahaa oo dowladda isku soo dhiibay

Horjooge sare oo Alshabaab kamid ahaa oo dowladda isku soo dhiibay

SHARE

Ibraahim Cali Maxamed, oo Alshabaab dhexdiisa loogu yeeri jirey Ibraahim Boolis, ayaa maanta isku dhiibay ciidanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed ee ku sugan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Ninkan ayaa kamid ahaa saraakiisha sar sare ee kooxda argagaxisada ah, isagoo soo qabtay xilka maaliyadda kooxdaas.

Muddooyinkii dambe, waxaa isa soo tarayay maleeshiyaadka iyo horjoogiyaasha ka soo baxaya safka argagaxisada, waxayna go’aan sadeen ka haraan dhibaatada ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed.

Ibraahim waxaa uu la soo goostay qori AK 47 ah, mana jirin cid kale oo la socotay oo safarkiisa ku wehlisay.

LEAVE A REPLY