Alshabaab oo u gaarsanaya dadka ku cibaadeysanaya masaajidyada

Alshabaab oo u gaarsanaya dadka ku cibaadeysanaya masaajidyada

SHARE

Dilalkii u dambeeyay oo maleeshiyaadka Alshabaab u geysteen dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka dhaceen gudaha masaajid ama banaankiisa, waxaana dilkii u dambeeyay loo geystay Maxamed Khayre oo kamid ahaa shaqaalaha QM isagoo la dilay xilli uu ka soo baxay Masjid Gaalkacyo ku yaala.

Sidoo kale, maalintii Jimcaha waxaa magaalada Muqdisho Alshabaab ay ku dileen Maxamed Maaxi, oo ahaa wiil arday kaas oo la dilay xilli uu ka soo baxay masjidka uu salaadda Jimcada uu ku soo dukatay.

Todobaadkii hore, Masjid ku yaala xaafadda Juugal ee degmada Yaaqshiid waxaa Alshabaab ku dhex toogteen Nabad doon Ibraahim Cariif gudaha Masjidka, isagoo akhrinayay Qur’aanka Kariimka.

Alshabaab oo aan wax xurmo ah u heynin dadka muslimiinta ah ayaa kordhinayay beegsiga dadka cibaadeysanayay gaar ahaan xilliga lagu jira 10 dambe ee bisha Ramadaan.

 

LEAVE A REPLY