Ciidanka amniga oo Miinooyin ka soo saaray duleedka Kismaayo

Ciidanka amniga oo Miinooyin ka soo saaray duleedka Kismaayo

SHARE

Warar ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka amniga ee Jubaland ay ku guuleysteen in ay shacabka ka badbaadiyeen Miino Maleeshiyaadka Alshabaab ku aaseen waddada xiriirisa Kismaayo iyo Tuulada Cabdala Biroole.

Saraakiisha amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen soo saarista Miinadan si loo badbaadiyo dadka isticmaala waddaas.

Alshabaab ayaa inta badan waxaa ay miinooyin ku aasaan waddooyinka halbowliyaasha ah si ay u dhibaateeyaan dadka isticmaalaya waddada.

 

LEAVE A REPLY